CAASHAQ / JACAYL

Wixii nabar jacayl iyo
Naxli caashaq kugu dhacay
Nafta haw cadaabine
Waxaad niyadda galisaa
Nololbaa danbaysee
Naawilaadu yey dhiman

Dadka qaar fariin dhan kuma soo diraan, kaliya taadi aad dirtay ayey kasoo jawaban🥺😢💔
Abwankini @djlisteningpost

XIIKMAD iyo SHEEKO

Nin ayaa laba xaas qabay, iyagoo tvga daawanaya ayuu waxa uu ubaahday galas biya ah markaasuu tii yarayd ayu udirsaday isaga oo ixtiraamaya tan wayn tii waynayd ayaa tiri,

“anagoo dhan waanu naqaana sida biyaha loo keno lkn iyada ayaad rabta ina gacanteda ka cabto oo qaabka ay usii soconayso sii daawato daalimyahow”

isaga oo yaaban ayaa tii yarayd biyaha ukeentay kuna tiri “haye sirtiini madhamaysaten waxkasta waan ogahay ileen anaa iska kay diraysay daalim baa tahee. KkkKkkkkkkkk
Laba xaasloow noloshaa ku dhibantahay 😂
Adan deeq

Nin xakiim ah ayaa wiilkiisa ku yiri: wiilkeygiyoow inta aad nooshahay saddex arin ku dadaal:

-Cuntada ugu fiican inaad cunto
-Gogosha ugu fiican inaad ku seexato
-Guriga ugu fiican inaad degto!

Wiilkii ayaa ku jawaabay: Aabe annagu dad sabool ah ayaan nahay sidee ayey waxaas oo dhan iigu suurta geli kartaa?

Ninkii xakiimka ahaa ayaa yiri:
– Marka aad gaajooto keliya haddii aad wax cunto…waxay noqoneysaa cuntada ugu fiican
– Marka aad shaqeyso oo aad daasho gogosha aad ku seexato waxay noqoneysaa gogosha ugu fiican.
– Haddii aad dadka kula dhaqanto dabeecad wanaagsan qalbigooda ayaad degaysaa, sidaasna waxaad ku degtay guriga ugu fiican ee la dago.

Adan Deeq

@ https//aldeq.wordpress

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create your website with WordPress.com
Get started