Ladaqanka Carurta Books

Eebbe ayay u sugnaatay mahad naq oo dhan, salli iyo salaan Nabi Maxamad kor kiisa ha ahaato.

QAABKA 1AAD OO CARUURTA
LOOLA HADLO
IN LAGU BILAABO WADA HADALKA DAREEN X A N B A A R S A N K A L G A C AY L .

Qodobkan wuxuu ku dhisan yahay arrimahan soo socda :-
1) Waxaa muhiim ah : – inaad ogaato in kalgacaylka iyo dhimrintu ay kaalin weyn ka qaataan koritaanka ilmaha.
2) Waxaa aad u qurux badan : – inaad ku bilawdo hadalkaaga kelmado naxariis iyo kalgacayl ka buuxo.
3) Waxaa aad u fiican: – inaad tusto ilmahaaga bashaashnimo iyo rayrayn markaa la kulmayso.4) Waxaa aad u haboon: – Inaad samayso intuu Wada hadalku socdo falal tusinaaya jacayl sida gacanta ama garabka qabato, inaad habsiiso, inaad dhamanka ka dhunkato, inaad madaxa u salaaxdo iwm .
5) Waxaa ogaataa kelmadaha iyo tilmaama tusinaya nacaybka iyo karaahiyada in ay ku keenayaa ilmaha inuu dhinto shakhsiyadiisa iyo dadnimadiisa.

Bal aad u dhuux tusaalahan soo socda :-
عن معاذ بن جبل أن رسول صلى عليه وسلم أخذ بيده، وقال: ))يا معاذ، وال إني لحبك، وال إني لحبك((، فقال: ))أُوصيك يا معاذ، ل
رواه أبو داود)1522( وصححه اللباني في صحيح تَدَعنَ في دُبر كل صلة تقول: اللهم أعني على ذكرك، وشكرك، وحسن عبادتك((؛ .(1522 )أبي داود
((Saxaabiga la yiraahdo Mucaad binu jabal ayaa wuxu yiri Nabiga salalaahu calayhi wasalam ayaa maalin gacanta i qabtay, wuxuuna igu yiri: Mucaadoow Ilaah ayaan ku dhaartee waan ku jeclahay !! waxaan kuu dardaar mayaa inaadan ka tegin salaad kasta gadaasheeda inaad dhahdo ducadan ( Ilaahaw igu garab gal xusitaankaaga, shukrigaaga iyo cibaadadaada wanaagsan )) .
Haddaan fiirino xadiiskan waxaan aragnaa inuu Nabiga salla laabu calyhi wasalam uu adeegsaday dareen xanbaarsan kalgacayl intussan Mucaad u dardaarmin ducada , dareenkaas oo ka kooban
( 1) Gacanta ayuu qabtay.
(2) Magiciisa ayuu ugu yeeray.
(3) Wuu u dhaartay inuu jecel yahay ) .
Waxaa is weydiin leh intaas ma adeegsan karnaa uu Nabiga adeegsaday, intaynaan caruurteena waanin si ay u noqoto waanadeena mid wax ku ool ah ? Rabbi hayna waafajiyo in aan adeegsano .
Aabbe iyo hooyo, bal sheekadaan ila dhuuxa oo tilmaamaysa wanaaga badan ee ka dhalanaya markaynu ilmaheena jacayl ku barbaarrino oo ku korino.
Diinta islaamka intaysan soo dagin carabtu waxay ahayd mid qabiil qabiil u dagaalanta, caruuraha iyo dumarka kala qafaasha, dagaal ka mid ah dagaaladii dhexmaray qabiilooyinka carabta ayaa waxaa lagu soo qabsaday wiil aad iyo aad u qurux badan oo la yiraahdo Zeyd Binu Xaarisah, suuq ka mid ah suuqyada magaalada Maka ayaa loo iib keenay, waxaa soo iibsaday nin la yiraahdo Xakiim binu Xisaam, kadib Xakiim wuxuu wiilkii u hadiyeeyay eedadiis Khadiija Binu Khuweylid oo ahayd xaaskii Nabiga S.C.W, kadib Khadiija waxay u hadiyeysay Nabiga S . C. W.
Seyd binu Xaaris wuxuu ku koray guriga Nabiga, isagoo ka helay naxariis, jacayl, dhaqan wanaagsan, muda kadib waxaa magaalada Maka yimi laba nin oo Zeyd qaraabadiisa ah iyagoo baadi goobaaya ama raadinaaya wiilkoodaZeyd, waxaa loo sheegay in wiilkoodii ku nool yahay guriga Nabiga S . C . W, labadii nin waxay u yimaadeen Nabiga isagoo fadhiya masaajidka, markaas ayay waxay ku dhaheen “ wiilkii ina Cabdimudaliboow, wiilkii nabadoonka reer Makoow, waxaan kuugu nimi wiilkan gurigaaga jooga inaad nagu soo wareejiso, markaas ayuu Nabigu (S . C . W) wuxu yiri wiilkee ? waxay ku dhaheen Zeyd binu Xaarsisah, markaas ayuu wuxuu ku yiri Nabigu : arrintaas wax ka fiican maydiin sheegaa ? waxay dhaheen haa, wuxuu yiri : waan u yeerayaa goortaasna waan kala dooran siinayaa inuu idin raaco iyo inuu aniga ila joogo ! hadduu idin doorto hadde waa wiilkiinii ee ka xaysta, hadduu laakiin aniga idoorto maahi mid qof doortay ku badalanaya lacag iyo madax furasho.
Kadib Zeyd ayaa loo yeeray markaas ayaa Nabigu ku yiri : raggaan magaranaysaa ? wuxuu yiri : haa waa qaraabaday, markaas ayuu ku yiri : waa ogtahay wanaaga iyo naxariista aan kugu tarbiyeeyay ee maanta kala dooro in aad ila joogto iyo inaad qaraabadaada raacdo ! .
Akhriste, yaa u malaynaysaa inuu doortay ? ma qaraabadiis mise Nabiga ? zeyd wuxuu doortay Nabiga wuxuuna yiri : waligay qof kale kaa dooran maayo ! .
Haddii aynu dhuuxno sheekadaan waxaa inoo kasoo baxaysa qiimaha ay leedahay in ilmaha lagu koriyo kalgacayl iyo naxariis.
Haddii zeyd uu ku kori lahaa guri aan laga jeclayn, qalafsanaan iyo naxariisdaro uu kala kulmi lahaa, madooran lahaa oo maka dooran lahaa ehelkiis ? .

Young Hamza https://www.youtube.com/channel/UCb8cFgB-GhcGsAJWIKzFMuA

QAABKA 2AAD CARUURTA LOOLA
HADLO
INAAD U DHAGAYSATO ILMAHAAGA SI QIIMAYN KU JIRTO .

Nagalasoco qeybta xigta

Create your website with WordPress.com
Get started